Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in mooshinka ka dhanka ah Jawaari uu xiriir la leeyahay arrinta DP World

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiye ku xigeenka labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in mooshinka laga soo gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka uu xiriir la leeyahay arrinta DP World.

Cawad ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uusan raali ka ahayn in uu faraha la galo arrinta DP World.

“Arrintaa in aan anagu galno oo aanu xeer ka soo saarno marnaba raali kama ahayn,” ayuu Cawad uu ku yiri wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA.

Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay khilaaf xoogan kala dhex dhigay golaha baarlamaanka iyo golaha wasiiradda.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in mooshinka ay dabada ka riixayaan xildhibaano u badan golaha wasiiradda. Waxaa la qorsheeyay in mooshinka codka kalsoonida ah loo qaado 31-ka Maarso, sida uu horaantii asbuucaan sheegay guddoomiye ku xikeenka kowaad ee baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudeey.

Horaantii bishaan Maarso, Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeer shirkada DP World ee Imaaraatka Carabta looga mamnuucayo dalka Soomaaliya. 

DP World ayaa labadii sanno ee lasoo dhaafay heshiis la gashay Somaliland iyo Puntland si ay u dhisto una maamusho dekadaha Berbera iyo Boosaaso muddo 30 sanno ah.

Somaliland ayaa go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamtay mid aan waxba ka gelin oo aan waxba u dhimi doonin heshiiska. Somaliland ayaa isku aqoonsan dal madax-banaan balse dhowr iyo labaatan sanno oo ay gooni isu taag raadinaysay wax aqoonsi ah kama helin beesha caalamka.

Dhanka kale, Puntland oo ah maamul goboleed katirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaan si rasmi ah uga hadlin go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ee DP dalka looga mamnuucayo. Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa asbuucii lasoo dhaafay shir deg deg ah isugu yeeray golihiisa wasiiradda si ay go’aan uga gaaraan mamnuucida DP World, balse weli wax bayaan ah kama soo bixin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*