Guddoomiyaha Ururka Beeralayda Puntland oo dadka Puntland ka codsaday in ay maalgashtaan beeraha

Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, tabaca beeraha Puntland ayaa kordhayay, iyadoo ay kasoo go’aan cunnooyin kala duwan sida khudaarta.

Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha Ururka Beeralayda Puntland ayaa dad weynaha Puntland ka codsaday in ay maalgashtaan beeraha.

Wareysi uu siiyay idaacada Radio Daljir, Cabdicasiis Garaad ayaa sheegay in loo baahanyahay in la maalgashto dhulka si loo helo cuno badan oo dalka kasoo baxda.

“Dadka reer Puntland waxaan ka codsanayaa in ay maalgalin ku sameeyaan dhammaan dhul beereedka kuyaala gobolada Puntland si tacabka beeraha uu kor ugu kaco.” Ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, tabaca beeraha Puntland ayaa kordhayay, iyadoo ay kasoo go’aan cunnooyin kala duwan sida khudaarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*