Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki oo Muqdisho yimid

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ku qaabilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya. [Sawirka: Facebook]
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ku qaabilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya. [Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa maanta oo Sabti ah safar ku yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadeoo gudaha Muqdisho kuyaala waxaa kusoo dhaweeyay Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowldda federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamidyihiin sidii Midowga Afrika ay gacan uga geysan lahaayeen abaarta daran ee ku dhufatay Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

Midowga Afrika ayaa gudaha Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo gaaraya 22,000 oo nabad ilaalin ah, kuwaasoo qayb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*