Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo sheegay in wakhtiga doorashada madaxweynaha ay go’aan ka gaari doonaan baarlamaanka cusub

Guddoomiyaha doorashada dadban ee Soomaaliya, Guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle. [Sawirka: Archive]
Guddoomiyaha doorashada dadban ee Soomaaliya, Cumar Maxamed Cabdulle. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa markale dib u dhac kuyimid, sida uu shalay gelinkii dambe sheegay guddoomiyaha doorashada dadban ee Soomaaliya.

Guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle sidoo kale loo yaqaan Cumar Dhagey ayaa sheegay in doorashadu aysan dhici doonin 30-ka bishaan November sida horey loo qorsheeyay.

“Waxaan aad uga xunahay in aan la wadaagno dadka Soomaaliyeed in doorashada madaxweynaha ay dib u dhacday markale sababtoo ah xubnihii baarlamaanka, kuwaasoo codeyn lahaa ayaan diyaar ahayn,” ayuu yiri Cumar Dhagey oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho.

“Wakhtiga xiga ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaa go’aan ka gaari doona xubnaha baarlamaanka ee cusub oo doorashadoodu hadda ka socoto dhammaan dalka.” Ayuu ku daray guddoomiyuhu.

Kadib marka ay dhammaato doorashada xubnaha aqalka hoose, taasoo la filayo in la dhammeeyo inta lagu guda jiro bisha soo socota ee December, xildhibaanada baarlamaanka ayaa dooran doona afhayeen kadibna madaxweyne.

Tani waa markii saddexaad oo ay dib u dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda 130 xildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 43 aqalka sare ah ayaa lasoo doortay. Aqalka hoose ayaa ka kooban 275 xildhibaan halka aqalka sare uu koobanyahay 54 xildhibaan

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey qorshu ahaa in ay dhacdo bishii lasoo dhaafay ee Agoosto, laakiin xukuumada Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan dib ugu dhigtay 30-ka bishaan November, haddana waa mar saddexaad.

Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud iyo Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*