Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo sheegay in 112 xildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 43 aqalka sare ah lasoo doortay ilaa iyo hadda

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Cumar Maxamed Cabdulle. [Sawirka: Archive]
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Cumar Maxamed Cabdulle. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Cumar Maxamed Cabdulle oo loo yaqaan (Cumar Dhagey) oo saxaafada kula hadlay maanta oo Isniin ah ayaa ka hadlay xubnaha xildhibaanada aqalka hoose iyo aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ee lasoo doortay.

Cumar Dhagey ayaa sheegay in ilaa iyo hadda lasoo doortay 155 xildhibaan oo labada aqal ka kooban oo 20 kamid ah ay yihiin haween.

Xubnaha aqalka hoose ee lasoo doortay ayuu sheegay guddoomiyaha in ay tiradoodu tahay ilaa iyo 112 xildhibaan halka aqalka sarena ay yihiin 43 xildhibaan.

Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa horey u qorsheeyay in 30-ka bishaan November la qaban doono doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, balse taasi uma muuqato suurtagal marka loo eego tirada xildhibaanada la doortay ilaa iyo hadda iyo qaabka gaabiska ah ee ay u socdaan hanaanka doorashada, waxayna keenaysaa in markii saddexaad ay dib u dhacdo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*