Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federal ee Soomaaliya oo ka gaabsaday xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cumar Maxamuud Cabdule .

Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federal ee Soomaaliya ayaa ka gaabsaday xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka.

Cumar Maxamuud Cabdule oo shir saxaafadeed ku qabtay caasimada Soomaaliya, Muqdisho ayaa ka hadlay howlaha shaqo ee guddiga horyaala.

Markii uu dhameeyay faahfaahinta howlahooda shaqo ayaa saxaafada weydiisay xilliga la qabanayo doorashooyinka dalka, balse guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday weydiintaas.

Guddoomiye Cumar ayaa sheegay in wakhtiga rasmiga ah ee doorashada la qabanayo ay go’aan ka gaari doonaan madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hawlaha farsamo ee doorashada u baahantahay ay u gudbin doonaan madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhawaan la filayo in ay ku kulmaan magaalada Muqdisho.

19 cisho ayaa ka harsan wakhtigii lagu balamay in lagu soo xulo golaha wakiilada dowlada federaalka Soomaaliya.

Ilo-wareedyo diblomaasi ayaa dhawaan u sheegay warsidaha Puntland Mirror in doorashada dalka ay dib u dhacayso ilaa iyo bisha December ee sanadkan 2016.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*