Guddoomiyaha guddiga culimada Soomaaliyeed Shiikh Yuusuf Cali Caynte oo difaacay qondada 30 boqolkiiba ee dumarka

shiikh-caynte
Guddoomiyaha guddiga culimada Soomaaliyeed, Shiikh Yuusuf Cali Caynte. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddiga culimada Soomaaliyeed ayaa iska fogeeyay in dumarka loo diido in 30 boqolkiiba ay ku yeeshaan wakiilada aqalka baarlamaanka, iyagoo sheegay in Islaamka uusan kasoo horjeedsan in dumarka ay ka qaybgalaan siyaasada.

Guddoomiyaha guddiga, Shiikh Yuusuf Cali Caynte, ayaa sheegay in dumarka iyo raga ay u simanyihiin Ilaahay.

Isaga oo ka hadlayay kulan looga hadlayay doorka haweenka ay ku yeelan karaan siyaasada oo lagu qabtay huteel Jazeera Palace ee Muqdisho, ayuu shiikhu sheegay in siyaasada loo simanyahay ayna dumarka ku lug yeelan karaan in ka badan sida raga.

Waxa uu cambaareeyay hoggaamiyaasha diinta Soomaalida kuwaasoo kasoo horjeestay in 30 boqolkiiba dumarla looga qoondeeyo baarlamaanka.

“Islaamka uma diidin qof walba xaqiisa. Ma jirto qof laga qaadi karo xaqiisa,” ayuu yiri Shiikh Caynte.

“Markii ay timaado qoondada dumarka ee matalaada baarlamaanka, 30 ama 20 mid kuu doona ha ahaatee, Quraanka kama hadlin midaas,” ayuu ku daray.

Hadalka Shiikh Caynte ayaa imaanaya asbuuc kadib, markii qayb kamid ah culimada Soomaaliyeed ay sheegeen in qoondada 30% ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin doorashada soo socota ay tahay mid kahor imaanaysa caqiidada Islaamka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*