Guddoomiyaha gobolka Bari oo sheegay in la fashiliyay qarax

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa fashiliyay qarax, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo loo yaqaan Dhedo oo shir saxaafadeed ka hadlayay maanta oo Sabti ah ayaa sheegay in qaraxa ay xalay soo qabteen ciidamada ammaanka.

Dhedo oo soo bandhigay qaraxa ayaa sheegay in uu ka koobanyahay walxo khatar ah oo haddii uu qarxi lahaa geysan lahaa khasaare badan.

Qaraxa ayaa la dhigay mid kamid ah waddooyinka magaalada Boosaaso, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolku.

Masuuliyiintu ma aysan sheegin cida qaraxaas doonaysay in ay qarxiso, balse xagjiriinta Al-Shabaab iyo Daacish ayaa qaraxyo horey uga geysatay magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*