Guddoomiyaha degmada Godob-jiiraan oo ka badbaaday weerar

Guddoomiyaha degmada Godob-jiiraan Yuusuf Maxamed Faarax. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha degmada Godob-jiiraan Yuusuf Maxamed Faarax ayaa ka badbaaday rasaas qori oo ay la beegsadeen dablay aan la aqoon.

Dhacdada ayaa fiidnimadii Axada ka dhacday makhaayad kutaala degmada, sida uu sheegay guddoomiyaha.

“Waxaanu taleefishin ka daawanaynay makhaayad kutaala degmada markii aan maqalnay rasaasta.. waxaa loola dan lahaa anaga,” ayuu yiri guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta.

“Ma jirto cid la qabtay ilaa iyo hadda, laakiin waxaa socda baaritaano.” Ayuu ku daray.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay weerarka, sida uu sheegay guddoomiyaha.

Godob-jiiraan ayaa ah degmo kutaala gobolka Nugaal ee Puntland, Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*