Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo sheegay in lacag dhan $530,000 laga xaday bangiga

bashiir
Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in bangiga laga xaday lacag dhan $530,000 oo doolarka Maraykanka ah.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in lacagta uu xaday mid kamid ah shaqaalaha bangiga oo magaciisa la dhaho, Muxiyadiin Maxamed Xasan.

Ninka lacagta xaday ayaa muddo bil ah dhigayay khasnada bangiga lacago been abuur ah kadibna kala baxayay midda rasmiga ah ee khasnada ku jirtay, sida uu sheegay guddoomiyaha bangiga.

Bashiir Ciise ayaa sheegay ninka lacagta xaday inuu baxsaday haddana lagu raadjoogo sidoo loosoo qaban lahaa.

“Wax isdaba-marsiin ayaa la sameeyay, lacagtii Khasnada ku jirta ayaa si burcadnimo ah loogu badalay lacag doolar ah oo been abuur ah, markiiba baaris ayaan galinay waxaana arrinta ku wargalinay laamaha Ammaanka sida Waaxda dembi-baarista CID, iyo haayada nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, oo shaqalaha wareysiyo la sameeyay, intii baarista socotayna waxaa baxsaday qasnajigi bankiga” sidaa ayuu yiri Bashiir Ciise cali.

Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu shacabka Soomaliyeed guud ahaan gaar ahaan laamaha amniga ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa ninkaas lacagta dhacay.

Soomaaliya ayaa kamid ah saddexda wadan ee ugu horeeya musuq-maasuqa caalamka, sida ay warbixin sanadeedkeedii 2015-ka ku sheegtay haayada Transparency international.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*