Guddiga horumarinta Garoowe iyo nabadoonada deegaanka oo ka wada-xaajooday sidii loo soo xuli lahaa gole deegaan oo ka soo bixi kara waajibaadkooda

Kulanka u dhaxeeya Guddiga horumarinta Garoowe iyo nabadoonada deegaanka oo ka dhacay PDRC, July 08, 2018. [Lahaanshaha Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kulan u dhaxeeya guddiga horumarinta magaalada Garoowe iyo nabadoonada Garoowe ayaa maanta oo Axad ka dhacay xarunta Haayada PDRC ee Garoowe.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii looga wada-xaajoon lahaa sidii loo soo xuli lahaa gole deegaan oo si dhab ah uga soo bixi kara waajibaadka loo doortay.

Guddiga horumarinta caasimada Garoowe ayaa nabadoonada u soo bandhigay in ay soo xulaan gole deegaan oo kasoo bixi kara waajibaadkooda oo ay kamidyihiin arrimahaan:

  1. Nadaafadda magalada

  2. Maareynta qashinka

  3. Fayadhowrka

  4. Bilicda iyo hagaajinta magaalada

  5. Tayeynta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo tamarta.

  6. Sugida amniga iyo ku dhaqanka sharciga

  7. Shaqo abuurka dhalinyarada

  8. Xoojinta ilaha dhaqaalaha ee caasumadda iyo suuqgeynta wax soosaarka Garowe iyo degaanada ku xeeran

  9. Nidaaminta dakhliga dowladda hoose iyo isla xisaabtanka hufan.

  10. Ilaalinta dhaqanka suuban

Si loo fuliyo waajibaadka looga baahanyahay in la helo gole deegaan oo leh karti iyo aqoon ay ku fulin karaan masuuliyada loo doortay,  guddiga horumarinta caasimada iyo nabadoonada  ayaa isku afgartay in lagu saleeyo soo xulista xubnaha cusub ee golaha deegaanka qodobadaan hoose:

  1. Waa in uu yahay qof sumcad fiican bulshada dhexdeeda ku leh xag aqlaaq iyo dabeecadba

  2. Waa in uu ku caanyahay aminimo iyo hufnaan

  3. Waa in uusan qabin xanuun ka hor istaagi kara in uu shaqadiisa gudan karo, balwadna uusan lahayn

  4. Waa in uu diyaar u yahay in uu ku  shaqeeyo tabaruc dhaqaale ahaana  isku filanyahay xaalad          dhaqaalena uusan u gelin golaha

  5. Wa in uusan gelin denbi, haystona warqadda denbi la’aanta

  6. Wa in uusan hadda u shaqayn  dowladda hoose marka laga reebo masuuliyiinta ku meelgaarka ah

  7. Waa in uu leeyahay xirfad dabooli karta ugu yaraan mid ka mida adeegyada dowladda hoose qabato uuna fikir buuxa ka haysto hadafka iyo himilooyinka dowladda hoose hiigsanayso.

Dhawaan ayaa la filayaa in la soo dhammeeyo xulista xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Garoowe kuwaasoo dooran doona duqa cusub ee caasimada Puntland ee shanta sanno ee soo socota.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*