Guddiga Doorashooyinka Puntland oo guddoomiye cusub doortay

Guddoomiyaha cusub ee TPEC Cabdiraxmaan Diiriye Qoorad oo loo yaqaan (Shuuqe). [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (TPEC) ayaa maanta oo Axad ah guddoomiye cusub ku doortay gudaha caasimada Puntland  ee Garoowe.

Guddoomiyaha cusub ayaa ah Cabdiraxmaan Diiriye Qoorad oo loo yaqaan (Shuuqe).

Ma jirin cid la tartantay Shuuqe kadib markii ninkii la tartamayay oo la dhaho Cabdirxamaan Xaaji Xuseen uu iscasilay doorashada kahor.

Shuuqe oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceshay dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka waxaana uu balanqaaday in uu dardar gelin doono shaqooyinka guddiga.

TPEC ayaan lahayn guddoomiye muddo sagaal bilood ah kadib markii guddoomiyihii hore ee guddiga Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) uu iscasilay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*