Guddiga doorashooyinka Puntland oo doortay guddoomiye cusub

Guuleed Saalax Bare. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa gelinkii dambe ee maanta oo Axad ah Guuleed Saalax Bare u doortay guddoomiye cusub, sida uu sheegay afhayeenka.

“Guddiga doorashooyinka Puntland waxay kulankoodii ugu horeeyay ku yeesheen Garoowe caawa, sagaalka xubnood ee guddiga ayaa Guuleed Saalax Bare u doortay guddoomiye cusub.” Sidaa waxaa yiri Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq, oo isaga laftigiisa loo doortay afhayeen.

Jaamac Xirsi Faarax ayaa sidoo kale loo doortay guddoomiye ku xigeen, Cabdinuur ayaa intaas ku daray.

Guuleed ayaa soo noqday wasiirka deegaanka Puntland, hadda waa agaasimaha SIDRA, oo ah machad cilmibaaris oo kuyaala Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa soo magacaabay guddiga doorashooyinka asbuuc kahor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*