Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo u sheegay Puntland, Galmudug iyo Jubbaland in ay dib u eegis ku sameeyaan liiska musharixiinta u tartamaya aqalka sare si loo waafajiyo qoondada haweenka

guddiga-doorashooyinka-soomaaliya
Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa dib ugu celiyay maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland xubnaha u tartamaya aqalka sare ee dowlada federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay guddiga.

“Sida aad ka warqabtaan haayadaha fulinta ee dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland waxay 8-da bisha Oktoobar soo magacaabeen musharaxiinta u tartamaya aqalka sare ee baarlamaanka ee 2016-ka iyadoo liiska ay soo gudbiyeen laysla tartansiiyay rag iyo dumar taas oo aan waafaqsanayn hanaanka doorasho oo ay madasha hoggaanka qaranka (MHQ) dajisay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Magacaabistaasi waxa ay u baahantahay in la waafajiyo war-murtiyeedkii MHQ ee September 6-14 qodobkiisa 5.5 oo qeexaya sidaan soo socota ‘qoondada aqalka sare ee haweenka, madashu waxay isku raacday in dowlad goboleed kasta ay xaqiijiso 30% kuraasta aqalka sare ay gabdho kaliyana u tartamaan’, “ ayaa lagu daray bayaanka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa bayaanka ku sheegay in dowlad goboleedyada ay dib u eegis ku sameeyaan muddo labo maalmood gudahood liiska musharixiinta u tartamaya aqalka sare ayna soo waafajiyaan war-murtiyeedkii MHQ ee September 6-14.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*