Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland oo sheegay in doorashadu ay dib uga bilaabmi doonto Garoowe asbuuca soo socda

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland. [Sawirka: Archive]
Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee Puntland u matali doona dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilaaban doonta asbuuca soo socda, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland.

Bishii hore ee November, ayaa digreeto kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay waxaa lagu joojiyay  hanaanka doorashada. Balse waxaa dib loo sii daayay kadib wadahadal dhexmaray masuuliyiinta Puntland iyo guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Puntland oo ku leh 37 xubnood aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa 22 xubnood lasoo doortay ilaa iyo hadda.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*