Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo u ogolaaday Mukhtaar Roobow in uu u tartami karo madaxtinimada

Roobow ayaa olole balaaran ka waday magaala Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed asbuucyadii lasoo dhaafay. [Sawir Hore]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Guddiga doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa u ogolaaday Mukhtaar Roobow Abu Mansuur in uu u tartami karo madaxtinimada maamulkaas, sida ay wararku sheegeen.

Roobow Abu Mansuur oo ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bishii Agoosto ee sanadkii 2017 iclaamiyay in uu ka baxay Al-Shabaab.

Bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, Wasaaradda Amniga e Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Mukhtaar Roobow uusan u tartami karin madaxtinimada Koonfur Galbeed sababtoo ah ma buuxin shuruudihii looga baahnaa in dhammaan laga qaado cunoqabatayntii saarnayd.

Waxa uu olole balaaran ka waday magaala Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed asbuucyadii lasoo dhaafay.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay dhacdo bartamaha bishaan, waxaana ku loolamaya musharixiin badan oo uu ku jiro hoggaamiyaha hadda jooga Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*