Gool uu dhaliyay Yacquub oo ku hoggaamiyay Puntland in ay gaarto ciyaarta kama dambaysta ah

Puntland palyers
Ciyaartoyga Puntland. Sawirka: Puntland Mirror.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta Puntland ayaa Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ku garaacday 1-0 ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya, taasoo Puntland u sahashay u gudbida ciyaarta kama dambaysta ah.

Gool kaliya oo uu dhaliyay Yacquub Cusmaan ayaa keentay in Puntland ay ku garaacdo Hiiraan & Shabeelaha Dhexe 1-0.

Puntland ayaa ciyaarta kama dambaysta ah ee ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya la ciyaari doonta Jubaland maalinta Isniinta oo ay bishu tahay 25-ka July.

Jubaland ayaa ciyaarta kama dambaysta ah soo gaartay kadib markii ay gool ku laad kusoo garaacday Banaadir.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*