Golaha wasiiradda Soomaaliya oo shaqada ka ceyrshay taliyihii booliiska iyo agaasimihii nabadsugida

.
Sawirka: Taliyaha nabadsugida Cabdulaahi Maxamed Sanbalooshe (midig). taliyaha booliiska Cabdixakiin Daahir Saacid (bidix).

Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shaqada ka ceyrshay taliyihii booliiska Cabdixakiin Daahir Saacid iyo agaasimihii nabadsugida Cabdulaahi Maxamed Sanbalooshe.

Golaha ayaa go’aankan qaatay kadib kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen Muqdisho maanta oo Axad ah.

Tilaabada ayaa timid hal maalin kadib gaari qarax ah lala eegtay huteel Naasahablood ee Muqdisho, waxaana ku dhintay ugu yaraan 25 qof oo ay ku jireen masuuliyiin, Al-Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*