Golaha wasiiradda Soomaaliya oo ayiday go’aankii ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka

Golaha wasiiradda Soomaaliya oo ayiday go’aankii ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Soomaaliya oo maanta oo Khamiis ah Muqdisho ku yeeshay shirkoodii asbuuclaha ahaa ayaa ayiday go’aankii ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka iyaga oo sheegay in dowladda federaalka oo kaliya ay awood u leedahay go’aan ka gaarista arrimaha dibada.

“Sida ku cad qodobka 54aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, dowlada federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada lacagta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka.

“Soomaaliya weligeedba doorkeedu waxuu ahaa in aynaan waddamo wallaalo ah la kala safan oo marwalba laga shaqeeyo wadajirka waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Islaamka ah. Doorkii Soomaaliya ee Heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii waxuu ahaa in Soomaaliya ay diidday in xiriirka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in go’aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay. Sidoo kale go’aankan muranka wadamada Khaliijka qaarkood oo golaha wasiiradu maanta mar-labaad ayiday, waxaa soo dhoweeyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba beesha caalamka.” Ayaa bayaanka lagu sii yiri.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Raysulwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guleed ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay wadashaqeynta dowladda dhexe iyo dawlad goboleedyada, iyadoo qabatay labo shir lixdii bilood ee ugu danbeysey, taasoo ay muhiimadeedu aheyd ka wada shaqeynta xoojinta amniga iyo midnimada qaranka.

Bishii lasoo dhaafay ee June, Soomaaliya ayaa kaalin dhexdhexaad ah qaadatay kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalaya xulufada uu Sucuudigu hoggaaminayo iyo dalka Qatar.

Dhawaan, maamul goboleedyada sida Puntland, Koonfur-Galbeed iyo Galmudug ayaa sheegay in ay la safteen xulufada Sucuudiga iyaga oo dowladda dhexe ee Soomaaliya u jeediyay in ay ku biirto xulufada kasoo horjeeda Qatar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*