Golaha wasiiradda Puntland oo sheegay in laga hortagi doono lacagaha kaashka ah ee lasoo gelinayo gudaha Puntland

Golaha wsaiiradda Puntland. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Puntland ayaa sheegay in ay isku raaceen in laga hortago lacagaha kaashka ah ee lasoo gelinayo gudaha Puntland.

Shirkooda asbuuclaha ah oo ka dhacay caasimada Garoowe oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa bayaan laga soo saaray maanta oo Khamiis ah lagu sheegay in goluhu uu isku raacay in la qabto lacagta Puntland soo gelaysa.

“Goluhu wuxuu maanta isku raacay in la qabto lana gubbo dhammaan lacagta gudaha Puntland kasoo gelaysa xuduudaha ee loo soo wato sarifka ee Shillin Soomaaliga ah, waxaana masuuliyada qaadaya ganacsatadii soo rartay.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo gaar ah loo xilsaaray qabashada, la wareegida iyo ka hor tagga qulqulka lacagta Shillin Soomaaliga.

Asbuucyadii lasoo dhaafay. Puntland waxaa ka jiray dhibbaatooyin dhanka lacagta Soomaaliga ah, taasoo keentay sicir barar balaaran oo ku yimid qiimaha maciishada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*