Golaha wasiiradda Puntland oo sheegay in dowladdu u diyaargaroobeyso dagaal wakhti dheer ah

Madaxweyne Cabdiweli ayaa shir guddoominayay kulanka deg dega ah ee golaha wasiiradda.[Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay u diyaargaroobeyso dagaal wakhti dheer ah si ay u difaacdo dadkeeda iyo dhulkeeda.

Bayaan soo baxay maanta oo Sabti ah, Puntland ayaa ka codsatay shacabkeeda in ay u diyaargaroobaan difaaca sharafta dadka Puntland iyo xoreynta dhulka ay Somaliland heysato.

Dhawaaqa ayaa yimid kadib markii golaha wasiiradda Puntland ay kulan deg deg ah ku yeesheen magaalada Garoowe maanta oo Sabti ah, iyaga oo uga hadlayay xaalada gobolka.

Asbuucii lasoo dhaafay, dad badan ayaa ku geeriyooday dagaal ba’an oo ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*