Golaha Wasiiradda Puntland oo aqbalay ka qaybgalka shirka Kismaayo

Sawirka: Shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiiradda Puntland ee Boosaaso.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Golaha Wasiiradda Puntland ayaa aqbalay ka qaybgalka shirka Kismaayo ee u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Golaha wasiiradda Puntland ayaa bayaan ku sheegay kadib kulankoodii asbuuclaha ahaa oo Boosaaso ka dhacay in Puntland ay ka qaybgali doonto shirka Kismaayo, iyaga oo sheegay in shirku uu muhiim u yahay adkaynta hanaanka federaalka iyo midnimada dalka.

Go’aanka ayaa yimid maalin kadib markii Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay uu dhaleeceeyay shirka Kismaayo, isagoo sheegay in shirka uusan aheyn mid muhiim u ah dadka Soomaaliyeed.

Toddobaadkii hore, madaxweynaha Jubbaland ayaa ku martiqaaday maamul goboleedyada Soomaaliyeed iyo dowladda dhexe si ay uga soo qayb-galaan shirka Kismaayo si looga wada hadlo khilaafka ka dhexeeya dawladda dhexe iyo  maamul goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*