Golaha wasiiradda DFS oo meelmariyay heshiis ay Norway $400 milyan ku caawinayso deyn cafinta Soomaaliya

Golaha wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya. [Isha Sawirka: Xafiiska Raysulwasaaraha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyay heshiis ay Norway ku caawinayso deyn cafinta Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa $400 milyan siin doonta Bankiga Adduunka taasoo qeyb ka ah qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysulwasaare Xasan Cali Khayre kadib shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirada Axadii ku yeesheen Muqdisho.

Sanadihii u dambeeyay, hanaanka deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo socotay. Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle Ducaale ayaa bishii lasoo dhaafay ee December 2019 sheegay in waxyaabihii muhiimka u ahaa deyn cafiska ee looga baahnaa dhankooda ay dhammaystireen.

Bayaan ay soo saareen bishii December 2019, haayada lacagta adduunka ee IMF ayay ku sheegtay in guddiga fulinta ee IMF ay meelmariyeen qorshe maaliyadeed oo gacan ka geysan doona sidii ay u cafin lahaayeen qeybta lacagta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Lacag ku dhow $5 bilyan ayaa wadamo iyo haayado kale duwan ay deyn ugu leeyihiin Soomaaliya.

Bisha soo socota ee Febaraayo ayaa Soomaaliya ay war wanaagsan ka sugaysaa deyn bixiyeyaasha si ay u cafiyaan deynta lagu leeyahay dalka kuyaala Geeska Afrika kaasoo 30 kii sanno ee u dambeeyay ay la hareen colaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*