Golaha wasiiradda DFS oo ansixiyay go’aanka Wasaaradda Qorsheynta ee ku saabsan in haayadaha caalamiga ah ay xarumahooda rasmiga ah ka furtaaan dalka

Shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya. [Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay go’aanka ay Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya eek u saabsan in dhammaan haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ay xarumahooda rasmig ah ka furtaan dalka gudihiisa.

Shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiiradda ayaa ka dhacay Muqdisho waxaana shir guddoominayay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre.

Dabayaaqadii bishii Agoosto ee sanadkan, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u sheegay wakiilada haayadaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah (INGOs) in ay u soo guuraan gudaha dalka, haddii ay diidaana in ay fuliyaan ammarka in dowladdu ay ka saari doonto diiwaanga haayadaha ka shaqeeya Soomaaliya gudaheeda.

Dhammaan haayadaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa waxaa xarun u ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay fadhiyaan madaxdooda sare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*