Golaha deegaanka Gaalkacyo oo lasoo doortay, dumarka oo helay lix xubnood

Golaha cusub ee Gaalkacyo oo la dhaarinayo, March 24, 2019. [Isha Sawirka: Facebook]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa lasoo doortay maanta oo Axad ah.

Xubnaha golaha cusub ee Gaalkacyo ayaa ka kooban 31, kuwaasoo kasoo jeeda qabiilooyinka degan magaalada.

Xubnaha cusub ayaa la dhaarshay isla maanta kadib markii la sii daayay liiska magacyadooda.

Maalmaha soo socda ayaa golaha deegaanka Gaalkacyo dooran doonaan duqa cusub ee magaalada.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ayaa ahaa duqa kumeelgaarka ee Gaalkacyo tan iyo bartamihii bishii November ee 2018 kadib markii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu kala diray golihii xilligaas.

Xubnaha dumarka

Dumarka ayaa lix xubnood ka helay golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, sida ka muuqata liiska.

Waxaa moodaa in tirada hadda ay dumarku heleen ay siyaaday marka loo barbardhigo golayaashii hore ee degmada.

Inta badan dumarka ayaan xubno tiro fiican ka helin golayaasha dowladda Puntland, taasoo ay sababtay nidaamka awood-qeybsiga qabiilka ku saleysan oo aan door fiican siin haweenka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*