Golaha baarlamaanka dowlada Puntland oo u yeeray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Camay
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camay. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka dowlada Puntland ayaa maanta u yeeray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, sida uu Puntland Mirror u xaqiijiyay xubin kamid ah baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlaamka Puntland oo ku guda jira kala-fadhigooda 37-aad ayaa maanta fadhigooda diirada ku saaray dagaalka kasoo cusboonaaday qaybo kamid ah gobolada Sanaag iyo Hayland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camay ayaa la filayaa inuu baarlamaanka hortago maalinta berito ah si ay su’aalo uga weydiiyaan xaaladaha soo kordhay.

Xubin kamid ah baarlamaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in baarlmaanku ay rabeen in ay u yeeraan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, balse ay ugu cudur-daareen shaqada culus oo uu ka wado gobolka Mudug.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacay deegaanka Booda-cade oo qiyaastii 30km u jira magaalada Dhahar ee gobolka Hayland. Wali dowlada Puntland si rasmiya ugama aysan hadlin dagaalkaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*