Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo soo jeediyay in la joojiyo dagaalka Tukaraq

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo soo jeediyay in la joojiyo dagaalka Tukaraq. [Sawirka]
New York-(Puntland Mirror) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay dagaaladii dhawaan ka dhacay gobolka Sool oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxayna soo jeediyeen in la joojiyo.

“Golaha Ammaanka waxa uu ka walaacsanyahay dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Golaha Ammaanka waxa uu u soo jeedinayaa dhinacyada dagaalamaya in ay si dhaqso ah colaada u joojiyaan oo ay kala qaadaan ciidamadooda ayna wadahadal yeeshaan.” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ciidamada Puntland iyo Soamliland ayaa bishii lasoo dhaafay ee May labo jeer ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaare balaraan.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq tan iyo markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen Tukaraq, oo 80 km dhanka waqooyiga ka jirta Garoowe.

Xaalada Tukaraq ayaa maalmihii lasoo dhaafay deganayd, balse dagaalka ayaa ka qarxi kara wakhti kasta, marka loo fiiriyo is-diyaarinta ciidan ee labada dhinac iyo hadalada colaadeed ee ay warbaahinta isku marinayaan.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*