Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dooneya in ay cunoqabateynta ka qaadaan Eriteeriya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. [Sawir Hore]
New York-(Puntland Mirror) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku diyaarinaya in ay cunoqabateynta ka qaadaan Eriteeriya kadib markii Mareykanku uu iska tuuray ku adkeysigiisii ku aadana aarintaas, sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP oo sii xigatay diblomaasiyiin.

Britain ayaa golaha u qeybisay qaraar Khamiistii kaasoo ay ku dalbanayso in laga qaado xayiraada hubka iyo dhammaan safarka, joojinta hantida iyo cunoqabateynaha lala beegsaday Eriteeriya, sida ay sheegtay AFP.

Golaha ayaa qorshuhu yahay in cod ay u qaadaan qaraarka bisha November 14-keeda. Diblomaasiyiinta ayaa sheegaysa in tilaabooyinka la qaaday kadib markii Mareykanku uu badalay go’aankiisii.

Eriteeriya iyo Itoobiya ayaa heshiis nabadeed wada saxiixday bishii July ee sanadkan, balse Mareykanka oo ay taageerayaan France iyo Britain, ayaa ku adkeystay in Eriteeriya ay marka hore muujiso dadaalka xushmeynta xuquuqda aadanaha kahor inta aan laga qaadin cunoqabateynta.

Balse go’aankaas ayaa dhawaan isbadalay. Isbadalka ayaa qaar katirsan diblomaasiyiinta ay sheegeen in uu go’aansaday la taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton, kaasoo la socday colaada Eriteeriya iyo Itoobiya markii uu soo noqday safiirka Qaramada Midoobay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobaya ayaa cunoqabateynta saaray Eriteeriya sanadkii 2009 iyada oo lagu eedeeyay in ay taageerto xagjiriinta Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya, balse qorshaha qabyada ah ayaa sheegay in kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay aysan helin cadeymo la hubo oo ku saabsan in Eriteeriya ay taageerto Al-Shabaab.

Dowladda Eriteeriya ayaa wakhti dheer diidanayd in ay taageerto maleeshiyada Al-Shabaab.

Cunoqabateynaha iyo xayiraada hubka ayaa dhammaanaya maalinta la ansixin doono go’aanka, sida uu muujinayo qoraal ay aragtay AFP.

Itoobiya iyo Soomaaliya oo xiriir wanaagsan bilihii u dambeeyay la yeeshay Asmara ayaa taageeraya baaqyada cunoqabateynta looga qaadayo Eriteeriya.

Eriteeriya ayaa xornimadeeda ka qaadatay Itoobiya horaantii 1990, waxaana markaas kadib uu dagaal ka dhex qarxay kaasoo muddo toban sanno ku dhow ka socday xadka ay ku muransanaayeen.

Sanadkii 2002, kala soocida xadka oo ay waday Qaramada Midoobay ayaa ujeedku ahaa in lagu xaliyo muranka, balse Itoobiya ayaa diiday in ay u hoggaansamaan.

Isbadalka ayaa bilowday bishii June markii Itoobiya aya iclaamisay in ay dib ugu celin doonto Eriteeriya deegaanada lagu muransanaa oo ay kamidtahay magaalada salka u ahayd colaada ee Badme halkaas oo ahayd meeshii ugu horeysay ee uu ka qarxay dagaalkii xadka ee u dhaxeeyay labada dal.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*