Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay ciidamo cusub oo nabad ilaalin ah oo loo dirayo Koonfurta Suudaan

UNSC
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

New York-(Puntland Mirror) Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 4,000 loo diro dalka Koonfurta Suudaan, kadib markii dhawaan ay dagaalo kasoo cusboonaadeen dalkaas.

Afhayeenka Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo ka jawaabaya go’aanka Qaramada Midoobay ee ciidamada dheeraadka ah loogu dirayo dalkaas ayaa sheegay in dowlada Koonfurta Suudaan aysan aqbali doonin go’aanka QM aynsana la shaqayn doonin.

“Taasi waa mid aad nasiib-daro u ah mana rabno in aan la shaqayno arrintaas sababtoo ah u ogolaan mayno dalkayaga in ay la wareegto QM,” Ateny Wek Ateny oo ah afhayeenka Madaxweyne Salva Kiir ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Dowlada Koonfurta Suudaan ayaa ka digtay ciidamada badan oo ay QM u soo dirayso dalkeeda in ay si xun u waxyeelayso madax-banaanida dalkeeda.

Ciidamo gaaraya 12,000 oo nabad ilaalin ah oo ka socda QM ayaa hadda ku sugan dalka Koonfurta Suudaan, kuwaasoo joogay halkaas tan iyo markii dalka Koonfurta Suudaan heshay xornimadooda sanadkii 2011-ka.

Laakiin ciidamadaas ayaa lagu dhaleeceeyay in ay ku guuldaraysteen in ay joojiyaan dagaaladii ugu dambeeyay oo dhiig badan ku daatay, ama ay si buuxda u difaacaan dadka rayidka ah intii uu dagaalka socday.

Taxliilin

Bishii lasoo dhaafay ee Luulyo ayaa dagaalo culus ku dhexmareen caasimada Juba ciidamada Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar.

Dagaalkaas ayaa sababay in Riek Machar uu ka baxo caasimada Koonfurta Suudaan ee Juba.

Dagaalka kadib ayaa Madaxweyne Salva Kiir xilkii ka qaaday madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar, balse xilka qaadistaas waa uu diiday Machar wuxuuna ku adkaysanayaa inuu wali yahay madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan.

Bishii December sanadkii 2013-kii, dagaalo dhexmaray ciidamada dowlada Koonfurta Suudaan iyo taageerayaasha Riek Machar ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof waxaana ku barakacay malaayin kale.

Dabayaaqadii sanadkii 2015-ka ayay heshiis ay wadamada gobolka dabada ka riixayeen ay gaareen Kiir iyo Machar, balse hadda waxaa laga cabsi qabaa in markale uu dalkaas ku laabto dagaalo sokeeye.

Bilowgii bishaan August ayaa Madaxda wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay caasimada Ethiopia, Addis Ababa, ay isku raaceen in ciidamo ka socda wadamada IGAD loo diro dalka Koonfurta Suudaan.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*