Gobolada Puntland oo laga roob doonay

Dad saalada roob doonta ku oogaya duleedka magaalada Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Gobolada Puntland ayaa maanta oo Khamiis laga oogay salaada roob doonta kadib markii dowladu ay iclaamisay.

Garoowe, boqolaal qof ayaa isugu tagay duleedka waqooyi ee magaalada iyaga oo halkaas ku oogay saalada. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa ka qeybgalay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa dadweynaha Puntland u sheegay in ay iscafiyaan, isaga oo tilmaamay in abaaraha soo noqnoqday ay ka dhasheen danbiyada la galayo, loona baahan yahay in Alle loo noqdo si culayska uu umaddiisa uga dulqaado.

Gobolada Puntland ayaa wajahaya xaalado abaareed, inkastoo xilli roobaadkii Guga la filayo bilaha April iyo May. Sanadihii u dambeeyay xaaladaha abaaraha ayaa ku soo noqnoqonayay Puntland.

Sanadkii 2016, abaar daran ayaa ku dhufatay Puntland, taasoo ay ku nafwaayeen dad iyo duunyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*