Geerida Fidel Castro: Itoobiyaanka oo ku tilmaamay saaxiib halyay ahaa, Soomaalida oo ugu ciilqabta dagaalkii Ogaadeeniya ee 1977

Fidel Castro, madaxweynihii hore ee dalka Cuba. [Sawirka: Archive]
Fidel Castro, madaxweynihii hore ee dalka Cuba. [Sawirka: Archive]
U tacsiyaynta geerida hoggaamiyihii Shuuciga ahaa ee dalka Cuba ayay ku kala qaybsameen dadka Soomaalida iyo Itoobiyaanka kadib markii shalay uu dhintay isaga oo 90-jir ah.

Bishii Febraayo 1977-dii, Fidel Castro ayaa 1000 ciidamo ah oo uu hoggaaminayay Janaraal Arnaldo Ochoa u soo diray Itoobiya si ay taageero uga geystaan dagaalkii ay kula jireen dariskooda Soomaaliya. Ciidamada ayaa u yimid gacansiinta hoggaamiyihii kaligii taliyaha ahaa ee Itoobiya Mengistu Haile Mariam si uu gacanta ugu dhigo gobolka Ogaadeeniya.

Sawirka hoose waxaa ka muuqda, Haile Mariam iyo Fidel Castro, xilliga sawirkaas waa kadib markii lagu jabiyay ciidamada Soomaaliya dagaalkii 1977.

gettyimages-72975622
Haile Mariam iyo Fidel Castro. [Sawirka: Archive]
Soomaaliya ayaa dagaalkaas kaga adkaatay Itoobiya, balse Itoobiya waxay taageero ka heshay dalal ajnabi ah oo uu kamid ahaa Kuuba.

“In badan oo Soomaali ah ayaa ku eedeeyay Fidel Castro in uu ciidamo gaaraya ilaa iyo 1000 askari u soo diray si ay u xoojiyaan ciidamada Itoobiya intii uu socday dagaalkii 1977-dii, taasoo burburisay rajadii Soomaali Weyn,” sidaa waxaa Puntland Mirror u sheegay Cabdiraxmaan Axmed oo ah macalin jaamacadeed.

“Siyaad Bare, waxaa uu kalsooni ku qabay awooda ciidamada milatariga Soomaaliya, taasoo ku dhiirigelisay in uu dagaal la galo Mengistu Haile Mariam, bilowgii horeba ciidamada Soomaaliya waxay dagaalka ka gaareen guul, waxayna gacanta ku dhigeen 90% gobolka Soomaali Galbeed,” ayuu ku daray ustaad Cabdiraxmaan.

Ugu dambayna Midowgii Soofidka ayaa dantu ku khasabtay in uu kala doorto labada xulufood, wuxuuna ka baxay Soomaaliya isaga oo doorbiday Itoobiya. Soofidka ayaa Itoobiya u tababaray 50,000, wuxuuna u soo diray qalab milatari.

Kadib markii la maqlay dhimashada Fidel Castro, Soomaalida iyo Itoobiyaanka ayaa warbaahinta bulshada ku sharaxay falceliskooda ku saabsan dhimashadiisa.

Falceliska Soomaalida 

soomaalida

Falceliska Itoobiyaanka

itoobiyaanka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*