Garoowe oo heshay saddex gaadiidka dab-damiska

Saddexda dab-damis iyo booyada biyaga lagu qaado ayaa waxaa maalgelisay shirakada Golis. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa heshay dab-damisyadii ugu horeeyay.

Saddex dab-damis iyo booyada biyaha oo ay maalgelisay shirkada isgaarsiinta Golis ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah loogu wareejiyay dowladda hoose ee Garoowe.

Xaflada wareejinta gaadiidka dab-damiska oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse iyo masuuliyiin kale oo ka socday haayadaha dowladda.

Garoowe ayaan lahayn dab-damisyo, iyada oo ay magaaladu aad u koreyso. Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, waxay la kulantay shilal dab oo ka qarxay xarumo kuyaala magaalada kuwaasoo sababay khasaaraha dhimasho dad ka badan tobonaan qof.

In la helo dab-damisyadan ayaa waxaa dadaal weyn ku baxshay duqii hore ee Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*