Baabuur maraysa waddo laami ah oo kutaala Garoowe. [Sawirka: Abdi Omar Bile/Puntland Mirror]
“Waxaan rajeynayaa in aad baroosinka dhigataan magaaladan ay nabaddu baroosinka dhigatay”, hadal uu ka jeediyey Mudane Bulqaas kulan beesha caalamku booqasho ay ku yimaadeen Garoowe sannadkii 1993.

“Waxaa Garoowe loogu doortay Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland, waa magaalo nabad ah, oo hoy u ah bulsho dulqaad badan”, Mudane Maxamuud Ismaaciil oo ka mid ahaa ka qaybgalayaashii shirkii Garoowe ee lagu dhisay Puntland, August 1998.

Caasimadii Nabada iyo dulqaadka: Garowe waxay ka mid tahay magaalooyinka yar ee ka badbaadey dagaalada sokeeye ee qabaliga ah ee ka dhacay Soomaaliya. Magaalada Garoowe waxay nasiib u heshay nabadgelyo, xasilooni iyo horumar 28-dii sanno ee la soo dhaafay. Magaalada Garoowe waxaa ay soo dhaweysey kumanaan qof oo ka soo qaxay dagaalada iyo abaaraha ka jirey Koonfurta Soomaaliya, dadkaas oo ay soo jiidatay  nabadgelyada, aminga iyo nolosha wanaagsan, fursadaha shaqo iyo muuqaalka dowladnimo ee ka jira magaalada. Dadka ku nool magaalada ayaa lagu qiyaasaa inay kor u dhaafeen 300,000 oo qof.

Ka dib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya,  Garoowe waxay noqotay magaaladii ugu horeysey ee dalka Soomaaliya  oo laga hirgeliyo maamul dowladeed sannadkii 1993 iyadoo loo sameeyey Gole deegaan, yeelatayna Duq ama Guddoomiye uu golahaasi soo doortay. Waxaa  Duqii ugu horeysey loo doortay Mudane Cabdi Saleebaan Cali (Cabdi Gaandaa).

Magaalada Garoowe  waxaa Agoosto sannadkii 1998 loo doortay inay noqoto caasimadda Dowladda Puntland. Doorashadani waxay u horseeday koror dhinaca dhismayaasha, imaanshaha dad fara badan, abuurista ganacsiyo cusub iyo korukac dhinaca dhaqaalaha ah. Wixii ka danbeeyey xilligaas oo laga joogo muddo 20 sanno ah waxaa magaalada ku yimid isbedel balaaran oo dhinacyada baaxada, bilicda iyo bulshada ku nool magaalada oo dhamaan koror aad u weyn ku yimid. Magaaladu waxay soo jiidatey aqoonyahano, ganacsato, waxgarad iyo qoysas fara badan oo qayb ka qaadatay nolosha xiisaha leh ee caasumadeed ee maanta ka jirta Garoowe.

Magaalada Garoowe waxay saamayn weyn ku yeelatay arrimaha Soomaaliya. Magaaladu waxay xarun u noqotay isbedelada bulsho iyo siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya. Waxay martigelisey shirar dib u heshiineed oo lagu raadinayo midnimada Soomaaliya, loogana go’aan gaarayo qaab siyaasadeedka dalka ee mustaqbalka. Dad badan ayaa Garoowe ku tilmaama halka ay “Soomaaliyada Federaalka ah ee Cusub” ay ka curatay”. Magaca magaaladu wuxuu la micne noqday halganka loogu jirey in la baabi’iyo raadadka keliye-talisnimo iyo damaca kuwa doonaya in awooda dalka hal meel lagu ururiyo iyo dhaqdhaqaaqyada loogu jiro in la helo siyaasad la wada leeyahay, awood iyo khayraad qaybsi cadaalad ah iyo  go’aan gaarista loo dhan yahay.

Marka laga soo tago koboca iyo horumarka magaalada, dad badan ayaa ku doodaya in aysan magaaladu si buuxda uga faa’iideysan maqaamkeeda caasimadeed, sababtoo ah iyada oo ay soo mareeen hogaamiyayaal tayo xun, oo aan waxtar lahayn iyo musuqmaasuq.  Garoowe waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu macayshada iyo nolosha qaalisan Soomaliya.  Shacaka Garoowe ammaan uma hayaan adeegyadeeda bulsho ee aadka u liita sida Isbitaalkeeda. Isbitaalka Guud ee Garoowe wuxuu u jiraa magac ahaan, waa xaqiiq fool xun oo lagu baraarugo marka ay dhacaan shilalku sida dhacdadii dhoweyd ee dabka ka kacay xarun shidaalka lagu iibiyo oo gaaray xaafadaha u dhow. Dadkii ku dhaawacmay dabkaas oo qaarkood qabeen dhawaacyo u baahan in si deg deg wax looga qabto waxaa la waayey meel lagula tacaalo, waxaana kuwoodii culsaa loo qaaday Muqdisho.

Sannadkii 2006 waxaa laga hirgeliyey Puntland xeer cusub Lr. 7 kaasoo lagu jiheynayo laguna maamulayo hirgelinta nidaamka golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland.  Inkastoo sharcigaas uu yahay mid meelo badan qabyo ka ah, si hufana aan u wada koobeyn xeerarka, mas’uuliyadaha iyo hababka maamulka Dowladaha Hoose iyo Golayaasha degmooyinka, haddana wuxuu  qorayaa in degmo kasta oo Puntland ah ay yeelato Gole deegaan, oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka qabaa’ilka uuna golahaasi doorto Guddoomiye (Duqa magaalada).  Wuxuu kaloo  qayb ka yahay dadaalada loogu gogol xaarayo hirgelinta nidaamka doorashooyinka dimoqraadiga ah ee Golayaasha deegaanka ee hal qof iyo hal cod. Illa hadda si buuxda looma hirgelin sharcigaas, magaalooyin aad u tiro yar ayaana illaa hadda laga hirgeliyey golayaal deegaan sida Garoowe.

Golayaaha deegaanka waxaa shaqadooda curyaamiya isqabqabsi, wada shaqayn la’aan, is-eedayn ku tumusho awoodeed iyo musuqmaasuq, waxqabad la’aan iyo faragelin siyaasadeed iyo mid qabiil oo ugu danbayn keenta in uu madaxweynuhu kala diro golaha deegaanka iyo duqa magaalada. Illaa hadda lama sheegin gole deegaan oo si waafi ah u dhamaystirtay muddadiisii xafiiska. Waxaa su’aalo ka taagan yihiin sida loogu adeegsado xeerkan Lr. 7 soo dhisida golayaasha iyo kala dirkooda. Waxaa soo baxaya aragtiyo ay bulshada rayidka ahi isku raacsan yihiin oo lagu doonayo in dib u eegis iyo wax ka bedel lagu sameeyo xeerkan, lagana dhigo nidaamka doorashada golayaasha deegaanka mid xor ah dimoqraadi ah oo habka hal qof iyo hal cod loo maro.

Puntland Mirror wuxuu qoraalo taxane ah kaga warbixin doonaa guuldarooyinka iyo waxtar la’aantii Duqyaashii soo maray magaalada iyo cadaymo heerka murugada leh ee dayacaada waajib.  Waxaan qiimeyn ku samaynaynaa qabyonimada  xeerka Lr.7,  nidaamka iyo siyaasadaha dowladaha hoose iyo ujeedooyinka gurucan iyo sharci ahaanshaha isticmaalka xeer Lr. 7 in lagu kala diro golayaasha deegaanka. Waxaan ku khatimi doonaa taxanaha qormo aan ku bayaanineyno tayada, aqoonta iyo waayo aragnimada laga doonayo xubnaha golaha deegaanka iyo Duqa.

Maqaalkan waxaa soo diyaarshay Tifaftiraha Guud ee Puntland Mirror Cabdi Cumar Bile.

 

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up