Garoonka diyaaradaha Garoowe oo dib u bilaabay howlaha shaqo

Diyaarado fadhiya garoonka diyaaradaha Garoowe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa dib u bilaabay howlaha shaqo kadib saacado uu xirnaa dartood roobab mahiigaan ah oo ka da’ayay gobolka.

Duulimaadyadii Sabtida ayaa la joojiyay kadib cimilada darteed, sida ay bog wareedka Puntland Mirror u sheegeen masuuliyiinta garoonka diyaaradaha.

Duulimaadkii ugu horeeyay maanta oo Axad ah ayaa goor dhaweyd ka soo degay garoonka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*