Ganacsade Maxamed Mire Cali oo beeniyay in uu xiriir la leeyahay hoggaamiyaha kooxda ISIS ee Soomaaliya

Hoggaamiyaha garabka ISIS ee Puntland/Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin. [Sawirka]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ganacsade Maxamed Mire Cali Yuusuf ayaa beeniyay in uu xiriir la leeyahay hoggaamiyaha kooxda ISIS ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin.

“Ma jirto wax xiriir ah oo aan la leeyahay, maba aqaani ninkan la sheegayo,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay idaacada VOA Soomaali.

Bayaan ay soo saartay Waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka Jimcadii, ayay ku sheegtay in ay cunoqabateyn ku soo rogtay Maxamed Mire Cali Yuusuf iyo shirkadihiisa oo kala ah Liibaan iyo Mutafaq isaga oo sabab looga dhigay taageero uu siiyay garabka ISIS ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*