Ganacsade lagu dilay magaalada Laascaano

Bartamaha Laascano. [Sawirka]
Laascaanood-(Puntland Mirror) Nin ganacsade ah ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Niman hubeysan oo aan la garaneyn ayaa toogtay oo dilay Maxamed Cabdi Timir. Nimanka hubeysan ayaa goobta ka cararay dilka kadib.

Timir ayaa ahaa ganacsade caan ka ah magaalada, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ma jirto cid weli sheegtay in ay iyagu ka dambeeyaan dilka ganacsadaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*