Ganacsade lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo
Muuqaalka qaybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo. Sawirka: Puntland Mirror.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta oo Khamiis ah lagu dilay ganacsade magaalada caan ka ahaa oo kasoo jeeda dhanka Waqooyiga.

Cabdulaahi Cismaan Shiikh Axmed ayaa lagu dilay suuqa Dar-xumo oo kuyaala xadka u dhaxeeya qaybta waqooyiga iyo koonfurta, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Koox hubaysan oo aan la aqoon cida ay tahay ayaa toogatay ganacsadaha kadibna waxay ka carareen goobtii.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowlada Puntland ay maanta si rasmiya ugu dhawaaqday in ay xirtay xadka ay la leedahay dhanka koonfurta Soomaaliya.

Gaalkacyo ayaa u kala qaybsan labo qaybood iyadoo qaybta koonfurta ay maamusho maamulka Galmudug qaybta waqooyiga oo ugu weyn magaaladana ay gacanta ku hayso dowlada Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*