Ganacsade lagu dilay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. [Lahaanshaha Sawirka: Cali Ducaale]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Nin ganacsade ah ayaa saakay oo Khamiis ah lagu dilay magaalada Boosaaso, sida ay warsidaha Puntland Mirror u sheegeen ilo-wareedyo katirsan dadka deegaanka.

Ganacsadaha ayaa waxaa toogtay niman aan la garanayn haybtooda oo baastoolado ku hubeysnaa xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsiga.

Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Maxamed Saleebaan. Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay aabihiis Maxamed Saleebaan oo la joogay markii dilku dhacayay.

Waa weerarkii ugu dambeeyay bartilmaameedyo taxane ah oo ka dhan ah ganacsatada ku sugan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Nimankii dilka geystay ayaa ka baxsaday koobta, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada dilka, balse maleeshiyooyinka sida Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka howlgala gobolka.

Labada maleeshiyo ayaa canshuur ku rogay ganacsatada ku sugan magaalada, sida ilo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*