Gabar wariye ah oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Mirror) Gabar wariye ahayd oo ka shaqayn jirtay idaacada dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay magaala Muqdisho.

Sagal Salaad Cismaan ayaa koox hubaysan ku toogteen kasoo horjeedka Jaamacada Plasma oo ay wax kabaran jirtay.

Sagal ayaa muddo labo sanno la shaqaynaysay idaacada dowlada ee Raadiyo Muqdisho sida ay Puntland Mirror u sheegeen asxaab warbaahinta katirsan.

Kooxihii dilka geystay ayaa ka cararay goobta.

Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa wadamada ugu halista badan oo warbaahinta ka shaqayso.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*