Gaashaanle sare Qodhob: u dulqaadan mayno maleeshiyada Galmudug in ay barakiciyaan ayna argagax ku sameeyaan dadkayaga

qodhob
Taliyaha ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee gobolka Mudug gaashaanle sare Cabdirashiid Maxamuud Ashkir Qodhob. [Sawirka:xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee gobolka Mudug gaashaanle sare Cabdirashiid Maxamuud Ashkir Qodhob ayaa sheegay in dulqaadkii uu ka dhammaaday ciidamada Puntland ee ku sugan jiida hore ee difaaca gobolka Mudug.

Taliye Qodhob oo wareysi siiyay idaacada maxaliga ah ee Daljir ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin weerarada joogtada ah ee maleeshiyada maamulka Galmudug ay marwalba kusoo qaadayaan ciidamada Puntland ee jiida hore iyo argagax gelinta dadka shacabka ah ee reer Puntland ee kunool magaalada Gaalkacyo oo ay maleeshiyada mar walba madaafiic kusoo tuurayaan guryaha dadka deegaanka.

“Anaga horta sabir iyo dulqaad ayaan ku wadnay dagaalkagan aad baan waxaan uga war wareegaynay dagaal buuxa oo khasaare geysta oo dad barakiciya badan ama halis badan keena uu noqdo…. in badan baanu ka war-wareegaynay markasta oo xabad-joojin la sheegana waan u hoggaansamaynay, hadda waxaa muuqata oon ku celinayaa in aan dhinacaas u baahnayn in ay xabad-joojiyaan…. Sidaa darted anaga xagayaga dulqaadka hadda waa kasoo dhammaanayaa waxay noqonaysaa in ay isku badasho in aan si toos ah in uga jawaabno oo aan awal horey uga jawaabin waxyaabaha ka dhacaya Gaalkacyo,” ayuu yiri taliye Qodhob.

“Anaga xagayaga wax xabad-joojin ah oo hadda ka bacdi ka shaqaynaysa ma jirto….waxaan u sheegaynaa dadka ku howlan qaarka dhex-dhexaadka ah iyo dadka soojeediya xabada in la joojiyo oo dhan… hadeerba waxaan ogeysiinaynaa in aan dulqaad dambe ugu noqonayna maleeshiyadaas huwanta ah oo argagixiska iyo ammaandarada markasta ka shaqaysa.. marka ugu dulqaadayn mayno dadkayaga kayeeli mayno in ay barakiciyaan ayna argagax ku sameeyaan waan difaacaynaa waana ka hortagaynaa.” Ayuu ku daray taliyuhu.

Maleeshiyada Galmudug ayaa ku dhawaad 16 weerar oo uu xalay fiidkii ugu dambeeyay kusoo qaaday ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo tan iyo bilowgii bishii Oktoobar.

Ugu yaraan 50 qof oo dhinacyada dagaalamaysa u badan ayaa ku dhimatay inta uu socday dagaalka Gaalkacyo ee u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug oo bilaabmay 7-dii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, sida ay Puntland Mirror u sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Ku dhawaad 90,000 shacab ah ayaa ku barakacay dagaalkaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*