Gaalkacyo: Khilaaf ka taagan kala qaadida ciidamada Puntland iyo Galmudug

gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Inkastoo aan wax dagaal fool ka fool ah uusan ka dhicin beryihii u dambeeyay magaalada Gaalkacyo haddana ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa isku hor fadhiya duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror labada dhinac ayaa wali isku afgaran la kala qaadida labada ciidan oo ishor fadhigoodu ay keeni karto in mar kale ay dagaalamaan.

Galmudug ayaa dalbatay in la joojiyo dhismaha siinada ay Puntland ka dhisayso duleedka galbeed ee xaafada Garsoor , taasoo la aaminsanyahay in ay keentay colaada magaalada.

Puntland ayaa sheegtay in aysan wax gorgortan ah ka galayn joojinta dhismaha siinadaas oo laga dhisayo dhulkeeda, sida uu idaacada maxaliga ah ee Daljir Arbacadii u sheegay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay.

Labada hoggaamiye ee Puntland iyo Galmudug ayaa asbuucii lasoo dhaafay heshiis xabad-joojin ah oo ay Qaramada Midoobay dabada ka riixaysay ku gaaray magaalada Gaalkacyo, iyadoo labada dhinacba ay magacaabeen guddi ka wadahadla sidii xal loogu heli lahaa colaada gobolka ka jirta.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa wali ku sugan magaalada Gaalkacyo kuwaasoo dhex-dhexaadinaya labada dhinac.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo lagu eedeeyay hurinta colaadaas ayaan muuqan wax dadaal nabadeed ah oo uu ka geystay colaada Gaalkacyo marka la barbardhigo RW Sharmaake.

In ka badan 50 qof oo u badan ciidamada dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalka ka dhacay Gaalkacyo oo bilaabmay bilowgii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar.

Ku dhawaad 90,000 shacab ah ayaa ku barakacay colaada Gaalkacyo, sida ay sheegtay UNHCR.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*