France oo ku guuleysatay Koobka Adduunka 2018

Xulka Kubbada Cagta France oo u dabaaldegaya guushooda. [Sawirka]
Moscow-(Puntland Mirror) Xulka qaranka kubadda cagta France ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka kadib markii ay 4-2 ku garaaceen Croatia.

Laad xor ah oo daqiiqadii 18-aad uu soo laaday Griezmann kadibna uu madax ku sii saray xidiga Croatia Mario Mandzukic ayaa dhinac ka gashay goosha Croatia.

Waxay ku qaadatay 11 daqiiqo in Croatia ay keento goosha bar-bar dhaca, taasoo ahayd mid qurux badan oo Peresic uu ku helay in uu si fiican ugu dhex kantaroolo dishootaha dhexdiisa kahor inta uusan dhinac ka gelin goosha France oo uu ilaaliye ka ahaa Hugo Lloris.

Wax yar kadib markii ay Croatia la timid bar-bar dhaca. Garsooraha ayaa tiknoolajiyada VAR ka caawisay in uu go’aan ku gaaro in Persisic uu kubada gacan ku taabtay gudaha dishootaha kooxda Croatia daqiiqadii 38-aad, taasoo keentay gool ku laad uu shabaqa gees kaga xaqiiqsaday laacibka Griezmann.

Goosha saddexaad ayaa waxaa dhaliyay Pogba, kaasoo kubad uu si fiican u ganay ay dabo martay goolhayaha Croatia.

Goosha afraad ayaa France waxaa daqiiqadii 65-aad u dhaliyay wonderkid Kylian Mbappe, kaasoo noqonaya ciyaartowgii labaad ee ugu da’ yaraa abid oo ciyaar final ah oo Koobka Addunka ah gool ka dhaliya kadib xidigii reer Brazil Pele oo isaga oo 17-jir ah gool ka dhaliyay ciyaar final ah.

Croatia ayaa dhalisay goosheeda labaad daqiiqadii 69-aad kadib markii goolhaye Lloris uu damcay in uu u gooyo Mandzukic.

Ciyaarta ayaa sii socotay 20 daqiiqo kadib markii labada dhinac ay goolashooda dhaliyeen, balse ma aysan dhalan wax gool ah, ciyaartowga reer France ayaa garoonka ku yaacay si ay u dabaaldegaan kadib markii garsooruhu uu siiriga ugu dambeeya ee wakhtiga ciyaarta yeeriyay.

Waa koobkii labaad ee Adduunka oo France qaado tan iyo markii ay qaaday koobkeedii ugu horeeyay sanadkii 1998-dii, oo ay iyadu martigelisay.

Croatia waa markii ugu horeysay oo ay final timaado Koobka Adduunka.

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimada France ee Paris, kadib markii France ay ku guuleysteen Koobka Adduunka 2018-ka, oo Russia martigeliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*