FIFA oo 48 ka dhigtay dalalka ka qeybgalaya Koobka Aduunka

FIFA oo 48 ka dhigtay dalalka ka qeybgalaya Koobka Aduunka. [Sawirka: Archive]
FIFA oo 48 ka dhigtay dalalka ka qeybgalaya Koobka Aduunka. [Sawirka: Archive]
Geneva-(Puntland Mirror) Ururka maamula kubada cagta caalamka ee FIFA ayaa maanta oo Talaado ah u codeeyay kordhinta tirada qaramada ka qeybgalaya Koobka Aduunka iyadoo awal ay ahaayeen 32 ayaa hadda laga dhigay 48.

Isbadalka ayaa imaan doona sanadka 2026-da, sida ay xaqiijisay FIFA.

FIFA ayaa sheegtay in loo qeybin doono dalalka 16-group oo group walba ay ku jiraan saddex dal.

Dalka Ruushka ayaa martigelin doona sanadka 2018-ka, dalka Qatar ayaa iyana martigelin doonta 2022-ka, balse dalka martigelinaya 2026-da wali lama sheegin.

Kordhinta FIFA, ayaa la filayaa in ay siyaadiso dalkhliga ilaa $ 1 bilyan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*