Farmajihi loo hanwaynaa miyuu fashilmay

Fagaare laysugu soo baxo oo ficil dareen shacab kudhisan oo shaqsi lagu taageeray aan qabiil kudhisnayn waxaa noogu horeeyay farmaajo kadib kala fogaanshihi dadka somaliyeed kudhacay. Farmajo oo xiligaas ahaa raysal wasaarahi dalka somaliya aya waxa dawladi dalka ka ariminaysay gooansatay inay xilka kaqaado. Waxaa arintaas u cuntami waysay shacabka soomaiyeed. Waxaana  marki u horeesay muqdisho lagu arko mudaharad aad u balaaran oo shucuubta dadwaynaha katurjumaya kasoo ay kaga soo horjeeden xil kafariisinta farmaajo. Hase yeeshe madhicino farmajo waa lafarisiyay. Waxaase hanka shacabka dib usoo nooladay marki farmajo dib dalka ugusoo laabtay isago madaxwayne ah dalka hogaankiisana lagu aminay. Waxaa mar labad isqabsaday cir iyo dhul. Dhaanto, xaflado, heeso iyo erayo kuhaboonba wa latiriyay. waxa kubaxday hal haysyo aad looga wada xasuusto dhamaan geyiga soomalidu dagto sida, farmaajo ii geeya oo gaban muruqmaala beertiisa dhexdeeda kasoo tabiyay. Bulshadu way wada faraxday baraara lasugayay lakiinse maxaa badalay. Mayahay farmajo midki lafilayay mise waa fashilmay waa erayga maanta lagu wareersanyahay. Inkasto bulshada soomaliyeed xiisaheedu yahay mid bilo yar kudhamaada durbaba waxa baraha bulshada lagu baahiyay in uu bilawgiba farmaajo kufashilmay bulsho hogaaminteed. Waxaa baryahan danbe eraygi bulshadu jeclayd ee farmajo ii geeya badalay. Bal Igu sawir oo ah eray bulshadu u isticmaasho inay tilman uga bixiso wax qabadka hogamiya yaasha dawlada somaliya. Labada fakar ee kor kusoo xusnay waa kuwo aad ukala fog waxaana ku seleeyay inay sababtay dhawr qodob:

  1. Barbar kaciyaarka siyaasada farmaajo oo dadka xog ogaalka inta badan ku tilmaaman inay tahay mid aan bislayn oo boog mooyee bulshada aan baraaro usoo wadin. Baraha bulshadana aad ugu bahsan. Balse qaar kaloo u dhuun daloola barta siyaasadu iska qabsato ayaa ayaguna tilmaama In barbarka lala hayo bulshada maamulkeeda oo uu farmaajo yahay tabeele aan talo ka go in. Hadaba suasha iswaydiinta mudan waxay tahay yaa barbarka lahaya?
  2. Guur guurka siyaasadeed ee gacanta u galiyay raysal wasaaraha somaliya mudane khayre dhamaan xoogaga wasaradaga oo gacanta afka usaaray wasiiradi goaanka ulaha ayaa goor walba dadku gaar u tilmaama.
  3. Dawlada goboboleedyada ayaa ayaguna lagu tilmaama inay ku noqdeen laf dhuun gashay. Geesku aado mooyane Geeska kale usocda goaana kuba gaaray inay gaar kayihiin goamada dawlada.
  4. Goaanki ugu xuma ee siyaasi soomaliyeed gaaro aya lagu tilmaama iib gayntii, gaal dilihi wayna ee geyiga somali galbed ka dagalami jiray ee qalbi dhagax oo dawlada farmajo gacanta u galisay galadi ukasoo fakaday.
  5. Heshiiski gaabna ee etopia kula gashay soomaliya gadaha badeeda aya asna aha mid shacabka gilgilay.
  6. Guul darada amni ee muqdisho kala googoysay ayaa noqotay mid gabi ahaanba kaxanajisay shacbiga magalada muqdisho ayagoo sheegay inay darisku Dab kala qaadan waayeen oo Askari dhexda taagan tahay.

Iskusoo wada duubo waxaa baryahan dal iyo dibadba dadku tilmaamaya in dawlada maanta jirta ay tahay mid kaliidata kuwii horay looyaqanay.

 Waxaase intaas gaar ahaaneed sii dheer in faragalinti shisheeye ee uu farmaajo balan qaaday fulinteedi aan lahayn oo meeshu wali furantahay. Inkasto faldanbiyeedyo faro badan bulsho farta kufiiqayso, shacbiga soomaliyeed intiisa badana uu aad ugasoo horjeedo siyaasada farmajo magacyo cajiibana loobixiyay dawlada manta jirta oo ay kamid tahay “nabar iyo naxdin” hadana waxa in laga fakaro u baahan sidee farxad soomali oo dhan loo gaarsin kara. Maxaase adigu akhristo ficil ah oo aad fulin lahayd. Farax macalin oo waraysi RTN hadal kaheediyay wuxuu yiri farmajo libaax ayaa loo haystay lakiin meeshi libaax loo qabay hadii jiir kasoo baxay kawaran. Akhriste makuraacsanthy hadalka farax macalin mise far baa kaga taagan.

Qoraagu waa Mahad Cagacade.

_____________________________________________________

Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*