Farmaajo iyo Afwerki oo kala saxiixday heshiis balanqaadaya in la soo cesho xiriirka diblomaasiyadeed

Farmaajo iyo Afwerki oo heshiis ku saxiixaya gudaha Asmara. [Xigashada Sawirka: Wasaaradda Warfaafinta Eriteeriya]
Asmara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Eriteeriya Isaias Afwerki ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Asmara maanta oo Isniin ah.

Heshiiska ayaa ka kooban afar qodob oo waaweyn:

1. Soomaaliya waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo leh kheyraad  bani’aadam iyo mid dabiici ah. Si kasta ha ahaatee, waxaa hoos u dhacsaneyd fahamka kartideeda sababtoo ah dhibaatooyinka gudaha iyo faragalinta dibadda. Sidaa darteed, Eriteeriya waxay si buuxda u taageersantahay xornimada siyaasadeed, madax-bannaanideeda iyo sharafta dhulka Soomaaliya iyo xuduudaha iyo sidoo kale dadaalka dadka iyo dowladda Soomaaliya sidii loo soo celin lahaa kaalintii saxda ahayd ee dalka iyo in ay ku guulaystaan rabitaanka dadkeeda.

2. Soomaaliya iyo Eriteeriya waxay ku dadaalayaan in ay abuuraan iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, dhaqameed, iyo sidoo kale iskaashiga difaaca iyo ammaanka.

3. Labada dal waxay sameyn doonaan xiriir diblomaasiyadeed iyo is-dhaafsi danjirayaasha, kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga labada dhinac, iyo is-weydaarsiga waxbarashada iyo dhaqanka.

4. Eriteeriya iyo Soomaaliya waxay ka wada shaqeyn doonaan hagaajinta nabadda gobolka, xasiloonida iyo isdhexgalka dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo Eriteeriya ma aysan lahayn xiriir diblomaasiyadeed muddo gaareysa 15-sano.

Sabtidii, Farmaajo wuxuu safar saddex maalmood ah ku tagay Eriteeriya, isagoo noqdey madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya oo xil haya oo booqda halkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*