Fanaankii Soomaaliyeed Shay Mire Dacar oo Hargeysa ku geeriyooday

Shay Mire
Fanaan Shay Mire Dacar oo ka heesaya barnaamijka todobaadka Soomaalida ee London, bishii November 2014. Sawirka: Archives.

Hargeysa-(Puntland Mirror) Waxaa galabta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar.

Geerida fanaanka ayaa waxaa laanta Af-Soomaaliga BBC u xaqiijiyay Caabi Mire Dacar oo ahaa fanaanka walaalkiis oo isna fanaan ah.

Caabi Mire ayaa sheegay in mudo ah in fanaanka uu xanuun u jiifay gurigiisa oo ku yaala Hargeysa.

Shay Mire Dacar wuxuu fanka ka bilaabay magaalada Ceerigaabo sanadadii 80-kii kadibna wuxuu uga soo gudbay magaalo xeebeedka Boosaaso oo uu ku noolaan jiray sanadadii 90-kii.

Sanadadii dambe wuxuu ku noolaa magaalada Hargeysa, isago marar badan barnaamij faneedyo u tagay dalka Jabuuti iyo magaalada London oo uu mar uga qayb galay barnaamijka todobaadka Soomaalida.

Heesihiisii caanka ahaa waxaa kamid ah, Beerkey Adaa Ku weyn, Bishaaro, Wacaneey Ayaamahaan, Wada noolaado nabad ku waara iyo Walle xalay xogtaan helay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*