Fanaanadii Soomaaliyeed Guduudo Carwo oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa

Sawirka: Marxuumad Shamis Abukar oo loo yaqaan Guduudo Carwo.

Hargeysa-(Puntland Mirror) Fanaanadii Soomaaliyeed Shamis Abukar oo loo yaqaan Guduudo Carwo ayaa maanta oo Khamiis ah ku geeriyootay magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen qoyskeeda.

Guduudo Carwo ayaa kamid ahayd hablihii ugu horeeyay ee fanka Soomaalida, waxayna ku biirtay sanadkii 1953, iyadoo heesteedii ugu horeysay oo la dhaho Heelo qaaday bishii Agoosto ee sanadkaas.

Marxuumada ayaa muddo ku dhow labaatan sanno waxaa hayay xanuunka faalidka kaasoo sababay in dhinac kamid ah jirkeeda uu shaqeyn waayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*