Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ka bilowday Puntland markii ugu horeysay

Diyaarada Ethiopian Airlines oo ka soo degtay garoonka Garoowe, July 15, 2019. Isha Sawirka: Puntland State House]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ethiopian Airlines ayaa maanta oo Isniin ah duulimaadyo ka bilowday Puntland.

Diyaaradii ugu horeysay ee ka socota Ethiopian Airlines ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Puntland oo uu hormuud u ahaa madaxweynuhu.

Diyaarada ayaa labo duulimaad oo asbuucle ah sameyn doonta oo isku xiraya mgaalada Garoowe ee caasimada Puntland, Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland iyo magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada furintaanka, madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in duulimaadyadu ay qayb weyn ka qaadan doonaan koboca dhaqaalaha Puntland iyo isku xirka gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Duulimaadyadaan ayaa dhimi doona caqabadihii adeegyada diyaaradaha ee haystay dadka Puntland kuwaasoo u safri jiray Hargeysa si ay u helaan Ethiopian Airlines.

Garoomada Garoowe iyo Boosaaso oo ay diyaaradu duulimaadyadeeda asbuuclaha ka samaynayso ayaa ah kuwo dhawaan la dhisay kadib taageero maaliyadeed oo ay bixiyeen dowladaha Talyaaniga iyo Kuwayt.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*