Ethiopia oo kasoo horjeesatay kormeerayaal baara dilal ka dhacay dalkeeda oo ay Qaramada Midoobay dalbatay

Reda
Afhayeenka dowlada Ethiopia, Getachew Reda.

Addis Ababa-(Puntland Mirror) Ethopia ayaa diiday codsi ka yimid Qaramada Midoobay kaasoo u ogolaanaya kormeerayaal caalami ah in ay baaraan dilalka ciidamada amaanka ay dhawaan u gaysteen banaanbaxayaal dhigayay mudaharaad ka dhan ah dowlada.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka dowlada Ethopia, ayaa u sheegay taleefishinka Al Jazeera maanta oo Khamiis ah in Qaramada Midoobay ay ka hadleen fikirkooda laakiin dowlada Ethopia ay masuul ka tahay nabadgalyada dadkeeda.

Afhayeenka, ayaa sheegay in dowladiisa ay samayn doonto baaritaan haddii ay jiraan gaboodfalo ay ciidamada amaanka geysteen.

Reda, hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Qaramada Midoobay ay ka codsatay dowlada Ethiopia in ay ogolaato kormeerayaasha si ay u baaraan dilalka ugu yaraan 90 banaanbaxaayl ah oo ka dhacay gobolada Oromia iyo Amhara dhamaadka asbuucii lasoo dhaafay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*