Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo safarkiisii ugu horeeyay ku yimid Puntland

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xarunta madaxtooyada Puntland Garoowe, July 08, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta oo Isniin ah safarkiisii ugu horeeyay ku yimid deegaanada Puntland tan iyo markii la magacaabay.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ergayga ku qaabilay aqalka madaxtooyada ee Garoowe, halkaas oo ay wadahadal ku yeesheen, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Wadahadalka ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamidyihiin amniga, siyaasada, horumarinta iyo gargaarka bani’aadanimo ee dalka Soomaaliya, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Dabayaaqadii bishii May 2019, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa James Swan oo ah diblomaasi Mareykan ah u magacaabay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*